Wararka Caalamka

Abiy Axmed oo Booqasho ku Tagey Suudaan.
Reysal Wasaaraha Itoobiya ayaa safar ku tagey dalka Suudaan. Abiy ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada caasimadda ah ee Khartuum. Booqashadan ayaa salka ku haysa sida wararku sheegayaan biyo xireenka Nahda iyo iska hor imaadyo ka dhacey xuduudda labada dal ay wadaagaan.
Ukraine oo Loo Diray Hub Baabi'iya Taangiyada.
Maamulka Joe Biden ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay in Maraykanku uu Ukraine siin doono baabuurta dagaalka ee Bradley, si loogu isticmaalo dagaalka ka dhanka ah duullaanka Ruushka, tallaabadaas oo ay khubaradu sheegeen in ay wax weyn ka tari doonto.
Update cookies preferences