Rabbi ha unaxariisyee Sheekh Nuur Macalim C/Raxmaan oo kamid ahaa Culimada Rabaaniyiinta ah ayaa si qota dheer uga hadlay bidcada Mowliidka oo mar walba oo lagaaro bisha Rabiicul Awal ay Kooxaha Suufida ka oogaan magaalooyin katirsan caalamka oo Soomaaliya kamid tahay.
Wuxuu sheekh Nuur sheegay arrintan ay tahay bidco ay bilaabeen kooxo shiico ah oo lagu magacaabi jiray Faadimiyiin oo maamuli jiray Masar iyo wadamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika waa sedax boqol oo sano kadib oo ah quruunta Mufadalada ee Nabiga SCW sheegay.
Mowliidka waa bidco aan sal ku laheyn diinta islaamka Nabiga SCW,asaxaabtiisa iyo Taabiciyiinta midna lagama hayo marka soo ma ahan dhaqan looga dayanayo dhinacyo cadaw ku ah diinta islaamka.
Halkan ka dhageyso Kalimad kooban oo Sheekh Nuur Macalim Uga Hadlayo Xuska Mowliidka MP3