Xaalad deganaan ah ayaa ka jirta degmada Buula Mareer ee gobolka Sh/hoose halkaas oo maanta uu ka dhacay dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada shisheeyaha ATMIS.
Goob joogayaal ku sugan Buula Mareer ayaa sheegay in markii ugu horraysay 10 sano kadib ay caawa dareemayaan neecaawda xoriyadda ayna magaalada ka maqanyihiin ciidamadii gummeysiga Uganda.
Kumanaan qof oo reer Buula Mareer ah ayaa caawa guryahooda ku hoyanaya iyadoo laga dulqaaday heeryadii gummeysiga, sida ay noo sheegeen dad ku sugan Sh/hoose meydadka ciidamada Uganda ayaa weli daadsan gudaha saldhigga iyo kannalada beeraha laga wareebiyo ee magaalada Buula Mareer ku hareeraysan.
Khasaaraha dhimashada ayaa laqiyaasayaa in uu ku dhow yahay 200 oo askari sababa laxiriira meydad hor leh oo lagu arkay duleedka degmada.
Mas'uuliyiin katirsan wilaayada Islaamiga Sh/hoose ayaa shacabka kula hadlay fagaarayaal kuyaal degmada Buula Mareer, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamadii ka badabaaday weerarkii saaka ay gaareen deegaannada Golweyn iyo Danoow oo ay saldhigyo ku leeyihiin.
Sawirro ay faafisay Alkataib ayaa muujinayay guusha weyn ee dagaalyahannada Al Shabaab ka gaareen dagaalkii Buula Mareer iyagoona gubay taangiyo islamarkaana gacanta ku dhigay hub culus iyo keydad rasaas ah.