Maleeshiyaad boobay qalabkii Doorashooyinka Burtinlle iyo warar kale.

Wednesday May 24, 2023 - 15:34:33
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyo hubaysan ayaa weerar culus ku qaadday gaadiid uu lahaa maamulka isku magacaabay 'Puntland' kaasi oo ku mashquulsan qabashada doorashooyin nuucoodu cusubyihiin.
Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyaadka mucaaradka ay wadada ugaleen dhowr gaari oo gelbinayay sanaadiiqda codeynta.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in la boobay boqolaal sanduuq oo qoshuhu ahaa in berri looga codeeyo degmooyinka Burtinlle iyo Dangoronyo oo dhammaantood Nugaal katirsan.

Sarkaal uhadlay maleeshiyaadka mucaaradka ayaa warbaahinta usheegay in iyagu ay mas'uul ka ahaayeen weerarada ayna gubeen sanaadiiqdii doorashada, shacabka ayuu ugu baaqay in aysan ka qeyb gelin doorashooyinkan sida aadka ah loogu murunsanyahay.

Related Items

Update cookies preferences