Maamulka Puntland oo Joojiyay Isku Socodka Gaadiidka Inta Lagu Guda Jira Doorashooyinka.

Tuesday May 23, 2023 - 18:04:38
MeMo Staff
Taliska Booliska Maamulka Puntalnd ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay isu socodka gaadiidka gobolada uu ka taliyo maamulkaas inta ay socoto doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ku beegan 25 bishaan May.
Shir jaraa'id oo uu qabtay Afhayeenka ciidanka Boliska Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayuu ku wargaliyay guud ahaan dadka ku nool gobolada uu ka taliyo maamulkaas in la joojiyo  isku socdka gaadiidka .

"Ciidanka Booliska Puntland waxay ku wargelinaya dhammaan dadweynaha reer Puntland in la joojinayo isku socodka gaadiidka guud ahaan Gobollada Puntland inta lagu jiro Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Puntland" ayuu yiri Afhayeenka Ciidanka Booliska maamulka fadhigiisu yahay Garrowe.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyadoo mudooyinkii danbe xiisado la xiriiri doorashooyinka uu qabanqaabinayo maamulka Saciid Dani ay ka taagnayd deegaanada maamulkaas, siyaasyiinta mucaaradka ku ah  Saciid  Dani iyo Villa Soomalia ayaa iyagna ka digayay in doorashooyinkaas Puntland ay lugaha ugalin karaan colaad.

Related Items

Update cookies preferences