Dhinacayada ku loollamaya gobolka Sool ayaa guulo ka kala sheegtay iska hor'imaadyo culus oo shalay ka dhacay duleedka Laascaanood.
Dadka deegaanka gobolka Sool ee SSC ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay galbeedka gobolka.
Afhayeen u hadlay maamulka isku magacaabay Khaatumo ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay ku furteen gaadiid Tikniko ah islamarkaana ay ku dileen tobaneeyo askari oo katirsanaa ciidamada maamulka 'Somaliland'.
Dhinaca kale Nuux Taani oo ah taliyaha ugu sarreeya ciidamada 'Somaliland' ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ay ka itaal roonaadeen wax uu ugu yeeray kooxo argagaxiso ah.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaal shalay galab ka dhacay deegaanka Xargaga lagu dilay Gaashaanle sare Cabdullaahi Ibrahim oo ahaa taliyihii aagga galbeedka ee ciidamada maamulka 'Somaliland'.