Waa Goormee Waji Labaad ee Doorashada Turkiga?

Monday May 15, 2023 - 18:10:45
MeMo Staff
Guddoomiyaha guddiga sare ee doorashada dalka Turkiga ninka lagu magacaabo Ahmed Yener ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee la qaban doono wareega Labaad ee doorashada.
"Waxaa wareegga labaad ee doorashada la qaban doonaa maalinta Axadda ah ee ay bisha ku beegan tahay 28-ka May, 2023, sida ku cad jadwalka xiliga doorashadii hore loo shaaciyay" ayuu yiri Yener.

Doorashadii shalay ka dhacaday dalka Turkiga ayaa noqotay mid ku celis ah, maadamaa dhamaan musharaxiinta tartameysay midkood uusan helin cod ku filan oo u suuragalin kara inuu ku fariisto kursiga madaxtinimo.

Wuxuu Ahmed hadalkiisa kusii daray mar uu warbaahinta la hadlayey in wixii haatan ka dambeeya lasamyn karo ololo siyaasadeed si loogu diyaar garoobo waji labaad ee doorashada, waa sida uu hadalka u dhigay.

Related Items

Update cookies preferences