Xafiiska warfaafinta Al Shabaab ayaa faafiyay sawirrada 2 gaari oo Cabdibile ah oo maleeshiyaadka Gaashaan looga gubay duleedka deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Sh/hoose.
Howlgalka gaadiidkaan lagu gubay oo ahaa mid qaraxyo ah waxay jihaadiyiintu la beegsadeen kolonyo isugu jiray saraakiil caddaan ah iyo maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Gaashaan, inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi dhimasho iyo dhaawac ku noqday 10 askari, ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo xaqiijiyay in illaa 4 jeer ay diyaarado nuuca qumaatiga ukaca ah ay goobta ka qaadeen meydad iyo dhaawacyo soo gaaray ciidamada huwanta ah ee la beegsaday.
Sawirrada lagasoo qaaday goobta uu weerarku ka dhacay ayaa muujinayay gaadiid gubta iyo jihaadiyiinta oo ku sugan deegaankii lagu dagaallamay oo aan ka fogeyn magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.