Weerar gaadiid looga gubay maleeshiyaadka Gaashaan oo ka dhacay Sh/hoose.

Thursday May 11, 2023 - 08:27:31
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa weerar culus ku qaaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeysa.
Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in xalay weerar culus lagu qaaday maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Gaashaan xilli ay ku socdaalayeen duleedka deegaanka Laantabuuro.

Kolanyo gaadiid ah oo ka amba baxay deegaanka Numbar50 ayaa isku dayaye in ay dhanka xeebta ka gadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qarax lagu beegsaday kolonyada gaadiidka ah ee ay maleeshiyaadku la socdeen waxaana soo gaaray khasaara lixaad leh.

Sida ay wararku sheegayaan qaraxyada ayaa sababay in ay gubtaan 2 gaari oo Cabdi Bile ah waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan askartii gaadiidka la socday.

Weerarka kadib waxaa goobta kusoo degay diyaarado Helicopter ah tiro laba jeer ah waxayna labada marba daabuleen meydad iyo dhaawacyo.
illaa iyo hadda tira koob rasmi ah lagama hayo khasaaraha soo gaaray ciidamadii xalay lagu weeraray Sh.hoose.

Related Items

Update cookies preferences