Wararka ka imaanaya deegaanada dhaca xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Suudaan ayaa sheegaya in dagaallo culus ay halkaas dib uga qarxeen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ay weerar gaadma ah ku qaadeen deegaanka Jabal Abu Duyuur ee mandiqadda Alfashaqa balse si adag laysaga caabiyay.
Itoobiya oo ka faa'iidaysanaysa dagaalka ka dhax qarxay dowladda Suudaan iyo kooxaha fallaagada ayaa isku dayaysa in ay dib usoo ceshato mandiqadda Alfashaqah oo Suudaan ay qabsatay sanaddii 2021 kolkaas oo ciidanka Itoobiya ay mashquulsanaayeen dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda TPLF