Waxa la soo sheegayaa in dagaal saaka barqadii ka bilaabmay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool uu weli socdo. Dagaalkan ayaa u dhexeeya dadka deegaanka iyo ciidanka maamulka Somaliland.
Lama oga weli khasaaraha laakiin warsaxaafadeed qoraal ah oo ka soo baxey dhanka maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in barqadii maanta ay ciidamada Puntland, kuwo ay ku sheegeen argagixiso iyo nabadiid ay soo weerareen maamulkooda.
Puntland ayaa marar dhowr ah iska fogaysay in ay dagaalka qayb ka tahay, sidoo kale waxa mar hore sidaasoo kale isaga fogeeyay dagaalka in ay qayb ka yihiin Xaraka Alshabaab iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Xabashidu gumeysato.
Dagaalkan hadda socda ayaa ka soo bilaabmey dilkii nin dhallinyaro ah oo la odhan jirey Hadraawi Sangub oo dabayaaqadii sannadkii hore lagu diley magaalada Laascaanood. Dhanka kale waxa xusid mudan in waanwaan ay wadday Dowladda Xabashida Itoobiya fashilantey ka dib markii qolyaha is haya qaybtood ku qanci weyday habka uu u socdo wada xaajoodku.