Xaalad adag ayaa ka taagan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii uu ku fatahay webiga Jubba.
Ugu yaraan 12 qof ayaa dhintay ku dhowaad 10 kalane waa lala'yahay kadib markii uu webigu ku fatahay qaar badan oo kamid ah xaafadaha magaalada Baardheere.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in biyaha webiga ay qaadeen tobanaan guri oo ay deganaayeen dad danyar ah, biyaha webiga ayaa karkaarrada jabsaday waxaana lasoo sheegayaa musiibo halis gelisay nolosha kumanaan qoys.
Waa markii ugu horraysay oo fatahaad nuucaan ah uu webiga Jubba ku sameeyo magaalada Baardheere muddon ku siman 10 sanadood.