deg deg: Ciidamada Al Shabaab oo weerar cagmarin ah ka fuliyay gobolka Sh/dhexe.

Saturday March 25, 2023 - 06:22:07
MeMo Staff
Dagaalyahanno aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Federaalka ku lahaayeen deegaan katirsan Sh/dhexe.
Wararka ka imaanaya degmada Ruun-Nirgood ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Sh/dhexe ay cagta mariyeen saldhig ay laba maalmood ka hor maleeshiyaad katirsan DF-ka ka sameysteen banaanka degmadaasi.

ilo wareedyo ayaa sheegay in gebi ahaanba ay Jihaadiyiintu lawareegay saldhigga ayna laayeen ciidamadii gudaha ku sugnaa.
War kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu ay weerarka ku qabsadeen gaadiid dagaal ayna khasaare culus gaarsiiyeen ciidanka dowladda.

"Ciidamada Mujaahidiintu waxay saakay oo Sabti ah, 3-da bisha Ramadaan 1444H, weerar xooggan ku qaadeen saldhiga maleeshiyada ridada ah ay dhawaan ka samaysteen degmada Ruunirgood ee wilaayada Shabeellaha Dhexe. Weerarka oo billawday salaada Fajarka kadib waxaa ay ciidamada Mujaahidiintu dhawr jiho ka weerareen fariisimayaasha cadawga ee degmada Ruunirgood, waxaana Allaah mahadiis dagaal xooggan kadib ciidamada difaaca shareecada Islaamka u suurtagashay inay jebiyaan maleeshiyadii ridada. Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac farabadan oo soo gaaray cadawga Islaamka ee murtadiinta ah, sidoo kale waxay Mujaahidiintu gacanta ku dhigeen dhamaan gaadiidkii ciidan, hub iyo saanad milatari, ee murtadiintaas u yaallay degmada Ruunirgood. Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha dib ayaan kasoo gudbin doonaa Insha-Allaah" ayuu yiri Sh. Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka ciidankada XSHM.

Related Items

Update cookies preferences