Xoogag Jihaadi ah oo ciidamo Itoobiyaan ah ku weeraray Yeed iyo Ceelbarde.

Wednesday March 22, 2023 - 15:07:59
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday laba degmo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya.
Ciidamo aad u hubaysan Al Shabaab weerar culus ku qaaday saldhig ay maleeshiyaadka dabadhilifyada Liyuu Booliska ay ku leeyihiin degmada Ceelbarde.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, ciidamada Liyuu Booliska ayaa weerarka lagu qaaday uga jawaabay madaafiic iyo adeegsiga boobayaasha culus.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa lagu beegsaday gaadiid nuuca cagaf cagafyada loo yaqaan ah oo ay isticmaalayeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugan degmada Yeed ee dhacda xuduud beenaadka Soomaaliya.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyadu ay khasaara dhimasho iyo dhaawac leh gaarsiiyeen maleeshiyaadka Liyuuga ee labeegsaday.

Related Items

Update cookies preferences