Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar qorshaysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa maamulka 'Koonfur Galbeed' islamarkaana xiriir dhow lalahaa Xabashida Itoobiya.
Weerar ka dhacay gudaha degmada Bardaale ayaa lagu dilay Diyaar C/raxmaan oo ahaa taliyihii ammaanka degmada.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogteen Diyaar oo taliye usoo noqday maleeshiyaad carratuur u ahaa Xabashida Itoobiya ee heysta degmada Bardaale.
Dhinaca kale weerar qorshaysan oo xoogag hubaysan ay ka fuliyeen degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ayay ku dileen C/qaadir Aadan Maye oo ku magacaawnaa guddoomiyaha deegaanka Marya Gubaay.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in C/Qaadir Maye maalmo ka hor diyaarad loogasoo qaaday Baraawe waxaana laqorshaynayay in uu taliye u noqday maleeshiyaad Muqdisho laga abaabulayay.
Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilalkan ka kala dhaca gobollada Bay iyo Banaadir.