Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ku leeyihiin magaalada Baardheere.
Weerarada oo dhacay xalay saqdii dhexe ayaa midkii ugu horreeyay lagu beegsaday saldhig ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Baardheere.
Weerarka kale ayaa beegsaday xarunta maleeshiyaadka dowladda ee Baraxoow, sidoo kale waxaa laweeraray xatunta ADC-da.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax lagu burburiyay darbiga xarunta ADC kadibna waxaa xigay iska hor'imaad culus oo dhaxmaray xoogagga weerarka qaaday iyo maleeshiyaadka dowladda.