Madaxweynaha Moscow Vladimir Putin ayaa booqasho ku tagey jasiirad la moodda Kareemiya maanta oo sabti ah.
Ruushka ayaa gacanta ku hayey deegaankaas muddo ku siman sagaal sannadood. Xukuumadda Moscow ayaa la wareegtay jasiirad u eekaha Qirim sannadkii 2014, markaas oo uu talada Yukrayn hayey madaxweyne u janjeeray dhanka Ruushka.
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS waxay booqashadani la tacaluqdaa xuska sagaal sano guurada Kareemiya intii ay kamid ahayd Ruushka. Muuqaallo ay baahisey warbaahinta Ruushka ayaa la arkayey Putin oo dhex gaafwareegaya jasiiradda oo xukunkiisa ku jirta tan iyo 2014.
Afhayeen ku hadlayey magaca Kremlin ayaa sheegay in Putin uu Qirim ka furi doono Mashruuc Aqooneed Taariikhi ah oo mustawihiisu sarreeyo. Dhanka kale xukuumadda Moscow ayaa hore u sheegtay in ay Afti Dadweyne ka qaadday dadka ku dhaqan Qirim isla markaasna ay u codeeyeen in ay oggol yihiin kamid noqoshada Ruushka, waxa se arrinkaa ku gacansayrey Reergalbeedka iyo Yukrayn.
Madaxweynaha xukuumadda Moscow ayaa la sheegay in ay ugu dambeysay Qirim tan iyo sannadkii 2020-kii.