Guddida sare ee xisbiga talada haya ayaa sheegay in ay dadaal u geli doonaan sidii ay u dhimi lahaayeen shanta qodob ee ay soo saareen.
1: Culeyska Taariikhda; Itoobiya waxay leedahay taariikho kala duwan isla markaana aanu u adeegsanno sidii aan waddankeenna ugu horumarin lahayn laakiin nasiib xumo waxa jira taariikho badan oo u baahan in la saxo kuwaas oo keenay mashaakil badan iyo kala qaybin bulsho, qodobkan ayaa lagu sheegay warmurtiyeedka iyada oo laga digey in aan lagu kala qaybin shacabka xabashida ah, waxaana la sii raaciyey in taariikhda la dhaxley balse aan la abuurin.
2: Xorriyadda
Qodobkan ayaa isna sidoo kale lagu xusey warbixinta xisbiga PP iyada oo la sheegay in aaney xorriyaddu ahayn mid waxwalba la samayn karo oo aan xad lahayn. Sidaas darteed waxa xisbigu sheegayn in maamul aan xorriyad lahayni keeni karo kacdoon, xorriyad aan masuuliyad lahaynina ay keeni karto fowdo.
3: Caqabadda kala isir duwanaanshaha
Warbixinta oo sii socota ayaa intaa ku dartey in ay jirto caqabad isir ku saleysan taas oo la tibaaxey in aan qolona qolo ka sarrayn. Itoobiya ayaa caqabaddani waligeed ka jirtey waxaana ugu wacan qoomiyadaha buuraleyda ah siiba Axmaarada oo isu arka in ay keligood ka masuul yihiin shucuubta ku nool dalkaas oo barkood yihiin muslimiin la gumeysto.
4: Maciishadda oo qaaliyowdey.
Qodobkan ayaa lagu sheegay in ay sabab u tahay dheelliga dhaqaale ee ku yimid dibedda si caalami ah iyo gudaha waddanka si gaar ah, waxaana warbixinta lagu sheegay in mushkiladda ay qayb ka tahay shaqo la’aantu. Waxa sidoo kale intaa lagu darey in dowladdu ay qaadi doonto tallaabo ku habboon si loo maareeyo nolosha qaaliyowday.
5: Xatooyada
Qodobka ugu dambeeya ee warbixintan lagu xusay ayaa ah tuugada ama dhaca lagu sameeyo hantida shacabka iyada oo la sheegay in afar qaab ay u dhacdo xatooyadu; tuugannimada lagu dhexgalo dowladnimada, tuugada ay sameeyaan maalgeliyeyaashu, tuugada lagu galo dhalashada iyo tuugada saxaafadda. Tuugada dowladdu waxay adeegsadaan awoodda dowladnimada, halka kuwa maalgeshiga sameynayaa ay lacagtooda wax ku musuqaan isla markaana lacag badan ku lunsadaan, kuwo kale kaararka dhalashadooda ayay isticmaalaan, kuwa saxaafadduna waxay dhisaan oo wanaajiyaan sumcadda tuugta. Dowladda Itoobiya ayaa qarka u saaran in ay dunto taas oo ay u sabab tahay colaado gudaha ah, abaaro iyo dhaqaale xumo.