Shirkii Xasan Sheekh iyo Hoggaamiyaasha maamullada uga socday Baydhabo oo dhammaaday.

Saturday March 18, 2023 - 12:06:25
MeMo Staff
waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkii magaalada Baydhabo uga socday hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka Soomaaliya.
Shirkan oo socday muddo laba maalmood ah ayay dhinacyada kulmay uga hadlayeen arrimo ubadan siyaasadda iyo doorashooyinka.

Warsaxaafadeed gaba gabadii shirka lasoo saaray ayaa lagu sheegay in dhinacyadu isla fahmeen wax ay ugu yeereen Federaalaynta iyo Dimuquraadiyaynta Soomaaliya taas oo macnaheedu yahay in Somaalida lasii kala qeybiyo islamarkaana lagu xukumo qawaaniinta reergalbeedka.

Xasan Sheekh ayaa hoggaamiyaasha maamul goboleedyada uxil saaray in ay shirarka nuucaan oo kale ah kusoo celiyaan Saciid Cabdullaahi Deni madaxweyna maamulka 'Puntland' kaasi oo horay uqaadacay.

Related Items

Update cookies preferences