Ciidamo katirsan booliska Kenya ayay waxyeello kasoo gaartay weerar qarax oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Laamu ee dhulka muslimiinta Kenya.
Wararka ka imaaaya Lamu ayaa sheegaya in qarax lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Booliska Kenya.
Warbaahinta maxalliga ayaa sheegtay in qaraxa oo ka dhacaya wadada xiriirisa deegaannada Kiyuungo Shangaani ay waxyeello kasoo gaartay ciidamo la socay gaari Kooyal ah.
Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkan cusub ee ka dhacay gobolka Lamu sida ay baahisay Idaacadda Andalus balse weli wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya.