Dagaal gaadiid looga qabsaday maamulka 'Somaliland' oo ka dhacay Laascaanood.

Saturday March 18, 2023 - 08:54:28
Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen magaalada Laascaanood halkaas oo bilihii lasoo dhaafay lagu loollamayay.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah ciidamada maamulka 'Somaliland' ayaa saaka aroortii hore madaafiic ku garaacay xaafadaha Bari ee Laascaanood kadibna xoogaga SSC ayaa weerar toos ah ku qaaday aagga maraaga.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Muuse Biixi dagaalkii saaka looga qabsaday gaadiid dagaal iyo saanado melleeteri.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka dib uga qarxay magaalada Laascaanood

Related Items

Update cookies preferences