Mareykanka oo soo bandhigay Diyaarad uu Ruushku ka burburiyay.

Thursday March 16, 2023 - 17:20:13
MeMo Staff
Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horraysay soo bandhigtay muuqaalka diyaarad Drone ah oo maalin ka hor loogasoo riday biyaha badda Madoow.
Wasaaradda difaaca ayaa faafisay muuqaal Video ah oo soconaya qadar 40 ilbiriqsi ah waxaana la arkayaa diyaarad Ruushku leeyahay nuuca loo yaqaan Su27 oo shidaal ku daadinaysa Darone MQ9 ah.

Muuqaalka ayaa muujinaya qeybta dambe ee diyaaradda kadibna waxaa la arkayaa waxyaabo hummaag ah oo aan lagaran karin waxa ay yihiin.

Mareykanka ayaa ku eedeeyay Ruushka in uu si ulakac ah usoo riday diyaaraddiisa Drone-ka ah xilli ay duulimaad ku sameynaysay hawada caalamiga ah balse Moscow ayaa arrinkaas beenisay waxayna sheegtay in diyaaradda lagusoo ridday Badda Madoow gaar ahaan meel ku dhow jaziiradda Alqiram ee Ruushku maamulo.

Related Items

Update cookies preferences