Magaalada Baydhabo waxaa ka furmay shir ay isugu yimideen hoggaamiyaasha maamul goboleedyada gummeystaha la shaqeeya ee ka jira dalka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan guddoominaya waxaana looga hadlayaa arrimaha siyaasadda, doorashooyinka iyo ammaanka sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka Laftagareen ee martida loo yahay.
Shirkan waxaa ka maqan oo qaadacay Saciid Cabdullaahi Deni hoggaamiyaha maamulka 'Puntland' kaasi oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhaxeeyo Xasan Sheekh Maxamuud.
illaa iyo hadda lama oga waxa kasoo bixi doono shirka Baydhabo oo kusoo aadaya xilli ay marxalad xasaasi ah marayaan maamullada maqaarsaarka ah ee dalka ka jira.