Garaaddada Sool oo ku gacansayrey wadahadalladii Addis Ababa.

Thursday March 16, 2023 - 09:58:51
MeMo Staff
Isimada dhaqanka SSC ayaa ku gacan sayrey wadahadallo la rajaynayey in ay ka qabsoomaan magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya kuwaas oo u dhexeeya garaaddada iyo maamulka Somaliland.
Garaaddada ayaa wadahadalka Itoobiya waddo ku xirey shuruuddii ay wateen tan iyo bilowgii ee ahayd in ciidammada Somaliland ay ka baxaan deegaankooda.

Garaad Cabdisalaan oo warfidiyeenka u warramey ayaa caddeeyay in haddii ciidamada Somaliland ay ku noqdaan deegaanka Oog in lala furi karayo wadahadal balse inta ka horraysa aaney wax wada hadal ah diyaar u ahayn.

Dhanka kale Muuse Biixi oo shaley warbaahinta la hadley ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka socdaa uu yahay mid u dhexeeya dowlad iyo dadkeedii waxa aanu maamulka Puntland uga digey faragelinta ay ka waddo Somaliland waa sida uu hadalka u dhigey eh.

Dowladda Itoobiya oo ah nidaamka wadey dhexdhexaadinta u dhexaysa SSC iyo Somaliland ayaa waxa hore u gaarey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ‘Somaliland’ Cabdirasaaq Khaliif iyo xubno ka tirsan mucaaridka Somaliland. Lama oga go’aanka ay ka qaadan karto Itoobiya go’aanka ay soo saareen madaxda dhaqanka SSC.

Related Items

Update cookies preferences