Wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Ruushku uu soo riday mid kamida diyaaradaheeda casriga ah ee duuliye la'aanta iswada.
Diyaaradaha Ruushka ee loo yaqaan SU27 ayaa badda Madoow kusoo riday diyaarad Drone ah oo Mareykanku lahaa taas oo nuuceedu yahay MQ-9.
Sida ay sheegeen mas'uuliyiin American ah diyaaradda lasoo riday ayaa howllo sahan ah ka wadday biyaha caalamiga ah balse safiirka Ruushka ee magaalada Washington ayaa sheegay in diyaaraddu ay si iskeed ah ugusoo dhacday biyaha Jaziiradda Al Qiram isagoo diiday in uu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo qaabkii ay wax udhaceen.
Waa isku dhicii ugu horreeyay ee Ruushka iyo Mareykanka si toos ah udhaxmara tan iyo markii uu qarxay dagaalka laayaanka ah ee ka holcaya dalka Yukreyn.
Diyaaradda MQ-9 ayaa awood u leh in ay masaafo fog ka howlgasho iyadoo hawada ku jiri karta 72 saacadood oo xiriir ah, bishii June 2019 ayay dowladda Shiicada Iiraan dhulka soo dhigtay diyaarad Drone ah oo uu Mareykanku lahaa.