Dagaalyahanno katirsan Al Shabaab ayaa saaka aroortii hore weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Sida ay wararku sheegayaan iska hor'imaad culus ayaa dhaxmaray ciidamo boolis ah oo ilaalo ka hayay saldhigga iyo xoogaggii weerarka soo qaaday.
Daqiiqado kadib ayaa la maqlay jugta qaraxyo waaweyn kuwaas oo lagu burburiyay qeybo kamid ah saldhigga Booliska degmada Wardhigiglleey.
illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday saldhigga Booliska Wardhiigleey wuxuuna arrinkan muujinayaa sida ay jihaadiyiintu awood ugu leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho