Guddoomiyihii Golaha Wakiillada maamulka Somaliland oo Itoobiya looga yeeray.

Tuesday March 14, 2023 - 17:40:18
MeMo Staff
Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka la baxay Somaliland Cabdirasaaq Khaliif ayaa looga yeeray magaalada Addis Ababa sida wararku sheegayaan.
Khaliif ayaa in muddo ah ku sugnaa magaalada Laascaanood oo uu ka soo jeedo isla markaana ay ku dagaallamayeen ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Khaliif ayaa mar uu warbaahinta la hadley dhaliil u jeediyey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi. Hadalka Cabdirasaaq ayaa ka careysiiyey siyaasiyiin door ah oo taageersanaa xukuumadda Muuse Biixi.

Tan iyo markii Cabdirisaaq tagey magaalada Laascaanood dib uguma noqon xaruntii golaha ee uu guddoomiyaha ka ahaa taas oo ay sabab u tahay ismaandhaafka siyaasadeed.

Dowladda Itoobiya ayaa dhexdhexaadin ka wadda garabyada is haysta waxaana wararka qaar sheegayaan in garaaddada, mucaaridka ‘Somaliland’ iyo xukuumadda Muuse Biixi lagu kulansiinayo Addis Ababa. Xukuumadda Itoobiya ayaa mar walba danaheeda ka dhex raadisa khilaafyada soo kala dhexgala siyaasiyiinta Soomaalida ee shisheeyaha u caynsan.

Related Items

Update cookies preferences