Itoobiya: Macaluul soo foodsaartey 11milyan oo qof.

Tuesday March 14, 2023 - 17:32:53
MeMo Staff
Xafiiska Arrimaha Gargaarka iyo Bani aadannimada hay'adda loogu yeero Qaramada midoobey ayaa warbixin ay soo saartey ku sheegtay in dad lagu qiyaasey 11milyan oo qof ay wajahayaan macaluul ama cunto yaraan dalka Itoobiya.
Abaar daran oo saamaysay dhul ay deggan yihiin dad lagu qiyaasey 24milyan ayaa u baahan gargaar degdeg ah sida warbixinta lagu xusay.

Abaaraha ku soo noqnoqday dalka Itoobiya muddooyinkii ugu dambeeyay ayay sabab u yihiin roob yaraan jirtey shantii sano ee u dambeeyay. Inta badan abaarta ayaa ku habsatey koonfurta iyo bariga dalkaasi Itoobiya. Dhanka kale xoolaha le’day ayaa lagu warramayaa in ay yihiin 3milyan iyo dheeraad.

Abaarta iyo macaluusha ka jirta Itoobiya ayaa waddamada reer galbeedku ku bixiyaan malaayiin doollar laakiin aan looga faa’iideyn dadkii loogu talo galey, taas oo ay ugu wacan tahay musuqa iyo isku dulnoolaanshaha ka jirey waddankaas muddada dheer.

Related Items

Update cookies preferences