Maxbuus 21 sano ku xirnaa Xabsiga Guantanamo Bay oo xoriyaddiisa dib uhelay.

Tuesday March 14, 2023 - 06:05:47
MeMo Staff
Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Xabsiga fadeexadda ku caan baxay ee Guantanamo Bay ay kasii daysay maxabuus halkaas ku xirnaa 21 sano.
Ghassaan Cabdalla As-shirbi oo ahaa maxbuus muslim ah islamarkaana kasoo jeedo dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa Guantanamo Bay lagu xiray sanaddii 2002.

Ninkan oo 48 sana jir ah oo loo heystay in uu kamid ahaa raggii fuliyay weeraradkii 11 September ka dhacay New York iyo Washington balse waligiis maxkamad lamasoo taagin.

Saraakiil American ah waxay sheegeen in 31 maxbuus ay ku hareen Guantanamo Bay oo ah xabsi si daran loogu tacdiibin jiray maxaabiista muslimiinta ee lagasoo qafaalay daafaha kala duwan ee caalamka.

Related Items

Update cookies preferences