Sida ay wararku sheegayaan madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal aan horay loo qorsheyn ku tegay dalka Eritrea ee dhaca bariga qaaradda Afrika.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi kooban oo la socday ayaa shalay ka degay magaalada Asmara waxayna halkaas kulan kula qaateen Afawarki iyo wasiirkiisa Gaashaandhigga.
inkastoo aan la shaacin ujeedka socdaalka Xasan Gurguurte hadane waxaa larumeysanyahay in uu qeyb ka yahay taageera uraadinta dagaalka Shareeca ladirirka ah ee dowladdiisu ay ka waddo Soomaaliya.
Bishii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha dabadhilifka DF-ka Muqdisho ku shiriyay madaxda dowladaha Itoobiya,Kenya iyo Jabuuti wuxuuna ka codsaday in ciidamo dheeraad ah ay usoo diraan Soomaaliya.