Golaha Guurtida maamulka la baxay Somaliland ayaa soo bandhigey faldambiyeedyadii sannadkii la soo dhaafey ka dhacay meelaha uu ka taliyo maamulkaasi. Xildhibaan ka hor akhriyey golaha warbixin sannadeedkoodii ayaa sheegay in dadka loo haysto falka khaniisnimada ama qowmuluudnimadu ay gaarayaan 28 qof.
12 kamid ah dadkaas ayaa maxkamad la horgeeyay sida lagu sheegay warbixinta halka 16 qof ay baarisi ku socoto, afar qofna uu falkaasi ku caddaadey oo lagu xukumay siddeed sano.
Falalka noocan ah ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku soo kordhayey deegaannada Soomaalida kuwaas oo ay hay’ado ajaanib ahi maalgeliyaan, waxaana marar dhowr ah looga doodey Aqalka Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka ah iyo Golaha Wakiillada ee maamulka la baxey Somaliland.
Xeerka jinsiga oo ay culimo badan iyo waxgarad indheer garad ahi ka digeen ayaa sidoo la kale hay’ado shisheeye u soo waarideen Soomaaliya.
Diinta islaamka ayaa meel adag iska taagtey ficilkaas iyada oo qofkii sameeyay iyo kii lagu sameeyayba xadka lagu oogayo isla markaana xukunkoodu yahay dil.
Diinta islaamka ayaa meel adag iska taagtey ficilkaas iyada oo qofkii sameeyay iyo kii lagu sameeyayba xadka lagu oogayo isla markaana xukunkoodu yahay dil.
Dhulka ay ka taliso Xarakada Alshabaab ayaan lagu arkin falalkaas gurracan ee liddiga ku ah fidrada saliimka ah iyo diinka islaamka, taas oo ay sabab u tahay oofinta xadadka islaamiga ah.