Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dhaxmarayeen xoogag jigaadi ah iyo maleeshiyaad gacan saar laleh dowladaha shisheeye.
Dagaallo culus ayaa shalay ka dhacay deegaan 12 KM ujira degmada Afmadoow.
Sida ay wararku sheegayaan maleeshiyaadka loo yaqaan Bangaraafta ee Mareykanku uu tababaray ayaa weerar jidgal ah kala kulmay Al Shabaab xilli ay ku socdaalayeen meel ku dhow tuulada Miidoow ee duleedka Afmadoow.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in goobtii lagu dagaallamay lagu arkay meydadka 5 askari oo katirsan maleeshiyaadka calooshood ushaqeystayaasha ee Bangaraafta loo yaqaan.