Maamulka uu horjoogaha ka yahay Mustafe Cagjar ee Itoobiya gumeysato ayaa war murtiyeed ka soo saarey eedeyntii kaga timid dhanka maamulka la baxey Somaliland. Somaliland ayaa ku eedeysay in DDS ay qayb ka tahay dagaalka ka socda Laascaanood.
"Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 9 March 2023 yeesheen Golaha Wasiiradda ee Maamulka Soomaaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan ciidamo ka tirsan Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS) oo qayb ka ah colaada ka socota magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.
Waxaan u sheegaynaa xukuumadda Somaliland in aysan jirin ciidan ka tirsan DDS oo qayb ka ah colaada Laascaanood, waxaanna cambaareeynaynaa eedeeymaha masuuliyad-daradda ah ee dhankooda ka yimid”. Ayaa lagu yiri murmurtiyeedka ka soo DDS.

Dhanka kale waxa maamulka DDS uu intaa raaciyey in Somaliland ay nafis siyaasadeed ka raadinayaan eedeynta maamulkooda ka dib markii su’aalo badan laga weydiiyey masuuliyad darrada Laascaanood lagu wajahay.
Maamulka la baxay Somaliland ayaa hore eedaymo ugu jeediyey maamullo ka tirsan DF Soomaaliya iyo ciidammo ka tirsan federaalka. Weli waxa aan xal loo helin sidii loo dejin lahaa ismaandhaafka u dhexeeya garaaddada dhaqanka ee Sool iyo madaxda maamulka Somaliland.