Sacuudiga iyo Iiraan oo ku heshiiyay in ay dib usoo celinayaan cilaaqaadkii diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeyay.

Saturday March 11, 2023 - 08:50:22
MeMo Staff
Si lama filaan ah dowladaha Aala Sacuud iyo Iiraan ayaa ku dhawaaqay in ay xal ka gaareen khilaafaadkii siyaasadeed ee udhaxeeyay sanadadii lasoo dhaafay.
Kadib kulamo ka dhacay wadanka Shiinaha ayaa lagu dhammeeyay ismariwaagii u dhaxeeyay nidaamka shiiciga Iiraan iyo nidaamka Aala Sacuud ee fadhigiisu yahay magaalada Riyadh.

Warsaxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Tahran iyo Riyadh ayay ku sheegeen in labada dal ay go'aamiyeen in dib loosoo celiyo dhammaan cilaaqaadkii labada dowladood muddo laba bil gudahood ah.

Sida heshiiska ku cad Iiraan iyo Sacuudiga ayaa dib ufuraya safaaradihii iyo qunsuliyadihii ay kala qaateen 8 sano ka hor, siyaasaddan cusub ee uu qaatay Max'med Bin Salmaan ayuu ku doonayaa in uu ugu dhowaado mucaskarka Ruushka iyo Shiinaha isagoo iska yaraynaya cadaadiskii amni iyo midkii siyaasadeed ee uga imaanayay dhanka Iiraan iyo kooxaheeda mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe

Related Items

Update cookies preferences