Maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa war saxaafadeed uu soo saarey maanta ku sheegay in ciidammada kula dagaallamaya gobolka Sool ay kamid yihiin kuwo ka yimid maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
War saxaafadeedkan oo soo baxey ka dib shir ay wada yeesheen golaha wasiirrada ee maamulkaasi ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in ay gobolka ka dagaallamayaan ciidammo waddamo kala duwani ay u soo tababareen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkan ayaa imanaya xilli odayaashii dhaqanka ee tagey gobolka Sool ee ay dirtey ‘Somaliland’ ay ku soo hungoobeen la kulanka garaaddada Sool.
Somaliland ayaa marar kala duwan ku eedeysay maamulka Puntland in uu colaadda hurinayo inkasta oo madaxweynaha maamulkaas Siciid Deni sheegay in aaney marnaba ka qayb ahayn colaadda Sool.
Dowladda Itoobiya ayaa dhankeeda u dirtey xubno saraakiil ah si ay u dhexdhexaadiyaan colaadda gobolka oo laga yaabo in ay siyaabo kala duwan saameyn ugu yeelato. Garaaddada Laascaanood jooga ayaa marwalba ku adkaysanaya in ay Somaliland ka baxdo magaalada markaa ka dibna uu wadahadalku iman karo, halka maamulka Somaliland aanu dooneyn taas beddelkeedana uu rabo in la wada hadlo iyaga oo gobolka jooga.
Dhanka kale Mustafe Cagjar oo ah madaxweynaha maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida ay Itoobiya gumeysato ayaa mar sii horreysay maamulkiisu u oggolaadey garaaddada Sool in ay shir ku qabsadaan Jigjiga taas oo markii dambe xukuumaddiisu raalli gelin ka bixisay.