Wararka ka imaanaya dhulalka Falasdiin ee gummeysiga Yahuudda ku jira ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudu ay toogasho ku dileen dhalinyaro falasdiiniyiin ah.
Ciidamada Yahuudda ayaa saaka aroortii
hore rasaas ku furay gaari nuuca raxaada ah xilli uu ku socdaalayay
duleedka degmada Jibci ee Koonfurta magaalada Jiniin.
Wakaaladda wararka Falasdiin ee WAFA ayaa sheegay in sedax dhalinyara ah ay ku shahiideen toogashadan bahalnimada leh kuwaas oo kala ah Axmed Max'med Fashaa-fashah, Sufyaan Faakhoori iyo Naayif Axmed.
Ciidamada Booliska qeybahooda kala duwan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay howlgallo cadowtooyo ka geysanayay magaalada Jiniin iyo deegaannada hoos yimaad.