Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in diyaarad aan duuliye laheyn oo Mareykanku leeyahay ay duqeyn khasaara dhalisay ka geysatay bariga wadankaasi.
Sida ay wararku sheegayaan duqeynta oo ka dhacday gobolka Ma'rib ayaa lagu beegsaday guri uu deganaa Sheekh Xamad Bin Xamuud oo ahaa madaxii Iclaamka Al Qaacidada Jaziiradda Carabta.
Bayaan rasmi ah oo ay soo saartay mu'asasada Al-Malaaxim ayaa lagu shaaciyay Istish-haadka Sheekh Xamad oo ahaa caalim si weyn looga yaqaan dhulka Jaziiradda Carabta.
Al Qaacidda waxay sheegtay in duqeynta ka dhacday Ma'rib lagu dilay madaxii Iclaamka iyo mid kamida raggii la shaqeynayay, illaa iyo hadda Mareykanku ma sheegan mas'uuliyadda weerarkan balse wuxuu caan ku yahay in uu beegsado culimada muslimiinta Yemen.