Ciidamada Itoobiya oo lagu weeraray degmada Diinsoor.

Sunday March 05, 2023 - 10:58:43
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya.
Dagaalyahanno jihaadi ah ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigga ciidamada Itoobiya ee degmada Diinsoor.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiic iyo rasaas xooggan oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen.

Ciidamada Xabashida Itoobiya ee duullaanka ku jooga gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa weeraro joogta ah kala kulmaya dagaalyahannada Al Shabaab waxaana ciidamadaas lagu go'doomiyay magaalooyinka ay heystaan iyagoo zaadka isugu gudhiyo diyaarado ay leedahay Q.Midoobay.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii Diinsoor ka dhacay.

Related Items

Update cookies preferences