Waragyska New York Times ee kasoo baxa dalka Maraykanka ayaa warbixin dheer ka qoray weerarkii bishii lasoo dhaafay ee Janaayo lagu xasuuqay murtazaqada Mareykanku leeyahay ee loo yaqaano "Maleeshiyada Danab" iyo dadaalka mudada dheer uu Mareykanku ku bixinayey maleeshiyada lagu xasuuqay degmadaas kadib weerarkii cagmarinta ahaa ee ay Al Shabaab ku qaadeen xeryahoodii degmada Galcad.
Warbixintan oo uu qoray Erik Smiit oo ah wariye ka howlgala bariga Africa ayaa sheegay inuu dhawaan safar ku tagay xerada ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin Bali-Doogle ee lagu tababaro calooshood u shaqeystayaasha Soomaalida ah ee Mareykanku u adeegsado dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta ee loo yaqaano Danab, isagoo sheegay inuu halkaas kusoo arkay dhinac ka mid ah harjadka Mareykanku ugu jiro inuu ka takhaluso Xarakada Al-Shabaab iyo rajo beelka ka mid ah saraakiisha Americanka ee degan xeradaasi.
Ugu horayn waxuu qoraagan warbixintiisa ku billaabay "Wuxuu ahaa saldhig uu ka muuqdo ololaha ladagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, Waxay ahayd maalintii qalin jabinta 300 oo askari si ay ugu biiraan cutubka gaarka ah ee kumaandooska Soomaaliya oo ay tababartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.
Laakiin maalintaas xaflada waxaa hareeyey murugo iyo niyad jab maadaama ciidamadani tababarka dhamaystay loo qaadayo jiida dagaalka, lana doonayo in ay buuxiyaan booska labo guuto oo ka tirsanaa ciidamada Danab oo ay Al-shabaab ku xasuuqeen weeraro aroornimo oo dhacay bishii Janaayo, kaas oo galaaftay in kabadan 100 askari.
Wariyahan wuxuu yiri: "Waxaan wararka Soomaaliya tabinayay mudo 30 sano ka hor, laga soo bilaabo markii ciidamada Maraykanka ay hawlgal milatari ka wadeen magaalada Caasimada ah ee Mogdisho sagaashameeyadii balse Mareykanka ayaa dalka dib uga baxay wixii ka dambeeyey dhacdadii Black Hawk Down ee 1993-kii, kolkaas oo dagaalyahannada Soomaalidu ay 18 xubnood oo ka tirsanaa ciidamada Maraykanka ku dileen dagaal culus oo markii dambe lagu diiwaangaliyay Buugta.
Hadda oo ku dhawaad 20 sano oo laga joogo soo hanaqaaditii Xarakada Al-Shabaab, Soomaaliya waxay noqotay jabhada ugu weyn ee ay ka socdaan dagallada aan dhamaadka lahayn ee uu Maraykanku kula jiro jihaadiyiinta tan iyo weeraradii 11 Sept.
Dagaalka uu Mareykanku kula jiro Al-Shabaab ayaa sanadkii 2014-kii lagu sameeyey isbedel, wuxuuna tijaabiyey siyaasad ah inuu la taliyeyaal fara badan oo dhinka militariga ah kusoo daabulo dalka, waxayna tijaabadaas u socotay usocday si joogta ah ilaa lagu soo kordhiyay ciidan gaaraya 700 oo xubnood oo uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dalka ka saaray ka hor intii uusan xilka ka degin sanadkii 2021-kii.
Madaxweynihii xigay ee Joow Baaydhen ayaan sanadkii hore 450 ciidamo dib uga soo celiyey Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta ee wakiiladiisu ka wadaan Soomaaliya. Ujeedka ciidankaas ayaa ahaa inay ka qeyb qaataan ololaha lagu wiiqayo awoodda Mujaahidiinta oo uu wargeysku sheegayo inay timid cudad aanan weli la loodin oo ka taagan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warbixinta ayaa dalkan muslimka ah ee Soomaaliya ku tilmaantay mid kamid ah xarumaha ugu waawayn ee ay ka hawlgalaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka si ay u beegsadaan dadka Muslimiitna, waxayna tibaaxday inuu dalkan hadda noqday mid ka daran Yemen, Liibiya iyo Pakistan marka la eego diyaaradaha Mareykanka ee ka howgala, sidaas oo ay tahay mashruuca argigixiso la dagaalanka uusan noqon mid waxtar leh.
Wariyaha qoray warbixintaan ayaa waxuu leeyahay: "Bishaan ayaan Soomaaliya dib ugu soo laabtay si aan uga qayb galo hawlgal naadir ah oo ay fulinayaan ciidamada cirka ee Maraykanka, waxayna booqashadaan ii furtay daaqada kale oo ka mid ah howlgalka la dagaalanka argagixisada”
Maadaama ay kumaandoosta Maraykanku la howlgalaan oo kaliya ciidamada Soomaalida ah ee ay sida gaarka ah u tababarteen una taakuleeyaan ee loo yaqaano "calooshood u shaqeystayaasha Danab, waxaa fudud inay soo weeraraan deegaanada ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab balse waxaa dhanka kale ku adag inay sii heystaan dhulkii ay tageen ama ka difaacdaan weerarada Jihaadiyiinta, taas ayaana ah caqabad ugu weyn ee ay wajahayaan kumaandooska Mareykanka ee adeegsanaya diyaaradaha iyo maleeshiyada Soomaalida ah ee ay carra tuurka ka dhigtaan si uusan iyagu khasaare usoo gaarin.
Saraakiil isugu jira American, Soomaali, kuwa ka socda ATMIS iyo diblumaasiyiinta shisheeye waxay rajo ka muujiyeen sida DF-ka ugu ruqaansatay dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta kadib sano badan oo ay fadhiid ahayd balse waxay weli ka welwelsan yihiin awoodda ay u leedahay inay sii haysato dhulka ay qabsatay.
Saraakiil ciidan iyo khubaro uu la hadlay wargayska ayaa waxay walaac ka muujinayaan awooda DF-ka, waxayna qaarkood ku doodayaan in aysan awood u lahayn dagaal dheer oo ay la gasho Xarakada Al-Shabaab iyagoo walaac ka muujinaya xeeladaha ay adeegsadaan Mujaahidiinta ee ah inay ka hor wareegaan ciidamada duullaanka, markii ay saldhigtaan ku habsadaan xeryahooda si ay gumaad ba’an ugu geystaan.
Heather Nessel, oo ah falanqeeye Afrikan ah oo ka hawlgala shirkad sirdoonka iyo difaaca qaabilsan oo fadhigeedu yahay London, waxa uu leeyahay "Sanadka soo socda, ma qiyaasayo hoos u dhac weyn oo ku iman kara awoodda Al-Shabaab, sababtoo ah way isku filan yihiin"
Maleeshiyaadka Bangaraafta ee mararka qaar loogu yeero Danab ayaa waxaa sanadkii ku baxa lacag dhan 80 milyan oo dollar, taas oo macnaheedu yahay in maleeshiyadan bil waliba lagu qarash gareeyo wax ka badan 7 milyan oo dollar, hadana sidaas oo ay tahay aanan fagaaraha dagaalka laga dareemeynin dadaal wax ku ool ah oo ay xaqiijiyeen.
Sida ay wargayska usheegeen diblumaasiyiin iyo ajaanjib kale oo ku sugan Soomaaliya, maleeshiyaadkan ayaa Maraykanaku waxuu usoo xulay qaabab kala duwan, waxuuna mararka qaar si xoog ah ku askareeyaa dhalinyarada, sida ay ka marqaati kaceen qaar kamid ah maleeshiyaadkaas oo isaga soo tagay saldhigyada ciidanka Maraykanka.
Wuxuu qoraagan soo hadal qaaday weerarkii ugu xumaa ee ay sanadkan la kulmeen maleeshiyada uu qarashka intaas la eg ku baxo ee Danab iyo dharbaaxadii ku qabsaday degmada Galcad bishii lasoo dhaafay. " 20-kii Janaayo weerarkii ka dhacay Galcad, waxuu ahaa dharbaaxo adag oo ku dhacday Danab, waxaana waabarigii lagu soo qaaday weerar qaraxyo iyo dagaal toos ah isugu jiray, waxayna saraakiil Maraykan ah ay ku tilmaameen in uu ahaa Musiibo wayn” ayuu yiri wariyaha.
Todobaadyo kadib, waxaa xerada la suray sawirada saraakiishii murtazaqada Danab ee ku halaagsamay dagaalkaas. Sida uu sheegayo wargayska New York Times, weerarki Galcad kadib DF-ka Soomaaliya ayaa taageero dheeraad ah ka dalbatay dawlada Maraykanka, waxuuna weerarkaan saamayn xun uu ku reebay xukumada Washington, maleeshiyaadkaan ayaana loo arkayay in ay yihiin awooda kaliya ee wajihi karta XSHM, balse himiladaas ayaa -Allaah fadligii- noqotay hal bacaad lagu lisay ka dib wixii ka dhacay Galcad.
Sidoo kale qaybaha dambe ee warbixinta ayuu Erik ismiit uga hadlayaa amni darada kajirta goobaha ay ka taliso dowladda Xasan Sheekh , waxuuna tusaale usoo qaadanayaa dhacdooyin uu la kulmay intii ku guda jiray booqashadiisa Soomaaliya.
"Horaantii bishii Febraayo, waxaan soo raacay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines oo aan ku soo jeeday magaalada Mogdisho, waxaana degay hotel wax yar u jira garoonka laga kicitamo, seddex maalin kadib waxaana ku socdaalnay Diyaaradda C-130 ee Ciidanka Cirka ah oo aan ku tagnay saldhig milatari oo 55 Maayl Waqooyi Galbeed ka xiga Muqdisho, kaas oo ah Balidoogle si aan ugu qayb galno tababbarka iyo Xafladda qalin-jabinta ciidan Soomaali ah, waxaanan intii ay socotay xaflada xirnayn dharka xabada laga xirto sida jaakadaha iyo koofiyada si aan diyaar u ahaano haddii uu weerar nooga yimaado Al-Shabaab.
Derbiyada laga dhisay goobaha aan joognay ayaanan ka hortagi karin weerarada oo dhan, waxaana Al-Shabaab ay mararka qaar gudaha kusoo tuuraan Madaafiic , waxaana ugu dambeeyay 1-dii bishii February, markii hoobiye dhererkiisu yahay (eeyti-two) [82mm] uu ku dhacay darbiga ku dhagan safaarada Maraykanka ah ee Muqdisho.
Safaarada ay washington ku leedahay Muqdisho xitaa ma lahana wax daaqad ah, waxayna u egtahay sida dhufeys oo kale, sababtuna waa cabsi laga qabo firirka madaafiicda iyo qaraxyada aysan kasoo dusin daaqadaha. Wariyahu wuxuu sheegay in madaafiicdaas oo ku dhacday darbiga safaarada Mareykanka ee Muqdisho ay ku dhaawacmeen afar ruux inkastoo uu ka gaabsaday inuu sheego dalalka ay kasoo kala jeedaan.
Hawlgalka ayaa loo arkaa mid khatar badan, taasoo keentay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay ka mamnuucday Safiirkooda Muqdisho Larry Andre oo 33-sanno, inuu gudaha u galo magaalada Muqdisho iyo xaafadaheeda sababo ku aadan khataro amni oo soo food saari kara. Iskaba daa in Muqdisho dhexdeeda ku socdee, waxaa wariyuhu uu sheegayaa inuu xerada Xalane qudheeda uu safiirku ku isticmaalo gaadiidka gaashaaman sababo ku aadan cabsi uu qabo qaraxyada iyo madaafiicda Al-Shabaab.
Ku dhawaad 20 sano oo ay xukumada saliibiyada ah ee Washiton dagaal leh wajiyo kala duwan ay ka hurinaysay Soomaaliya, ayey imika umuuqdaan kuwa niyad jabay, rajadii la qabayne ay sii luntay, halka dhanka kale awooda Xarakada Al-Shabaab ay sii ballaaratay kuna fiday mandiqada geeska Afrika.