Cabdiraxmaan C/Shakuur oo kasoo horjeestay mudda kororsi loo sameeyo madaxda DF.

Saturday March 04, 2023 - 11:59:49
MeMo Staff
Hoggaanka dowladda Federaalka iyo labada gole ee baarlamaanka ayaa dadaal ugu jira sidii ay muddo kororsi usameysan lahaayeen arrinkaas oo dubarbadiiba xiisada siyaasadeed abuuray.
Guddoomiyaasha Aqalka hoose iyo aqalka sare ayaa warqado ay faafiyeen ku sheegay in golayaasha la horkeeni doono mooshin wax looga bedelayo nuqullo kamid ah dastuurka KMG ah arrinkaas oo hordhac u ah muddo kororsi hal sano dheeraad ah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa arrinkaas kasoo horjeestay wuxuuna ku sifeeyay fashil dhanka hoggaanka ah ee madaxa golayaasha baarlamaanka ayna dalka gelinayaan xaalad fowdo ah.

"Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada,ma ahayn in ay xilligaan muddo kororsi ka fekeraan, iyagoo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi laga soo maray" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Muddo kororsiga madaxda DF-ka ayaa sanaddii lasoo dhaafay xaalad siyaasadeed oo gacan ka hadal gaartay ka dhalisay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

Related Items

Update cookies preferences