Maayirka magaalada Laascaanood oo ka warbixiyey khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqeymihii ay geysteen ciidanka 'Somaliland'.

Thursday March 02, 2023 - 16:49:30
MeMo Staff
Maayirka magaalada Laascaanood iyo golihiisa deegaanka ayaa maanta ka warbixiyey khasaaraha uu geystay dagaalka ka socda xarunta gobolka oo galey maalintiisii 24naad.
Maayirka ayaa caddeeyay in dagaalku u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka isla markaana aaney ka qayb ahayn dagaalka ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo cidkale toona.

Maayirka ayaa soo saarey tirakoob isla markaana sheegay in dhimashada dadka shacabka ahi tahay 210qof, halka dhaawacu noqday 680qof. Guryaha burburay ayuu ku sheegay in ay yihiin 715 guri isla markaana waxa xirmey 16,000 oo ganacsi. Golahan ayaa laga dooran jirey magaalada Laascaanood 15-kii sano ee u dambaysey, hadda se waxa ay u adkaysan waayeen gardarrada iyo dulmiga ciidamada Somaliland ku hayaan shacabkoodii.

Maalmo kahor waxa xaaladda cakiran ee Laascaanood ka hadley Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ‘Somaliland’ Cabdirasaaq Khaliif oo ka soo jeeda Laascaanood isla markaana sheegay in Muuse Biixi iyo maamulkiisu ay dadka shacabka ah laynayaan, isna uu ka turjumayo rabitaanka dadkii magaaladaas ka soo doortey.

Dadka deegaanka ayaa samaystey 33 xubnood oo waxgarad ah isla markaana hore u soo saarey baaqyo kala duwan oo ay ku dalbanayaan in ciidamada Somaliland ka baxaan deegaanka. Dhanka kale Kornayl Muuse Biixi ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in uu xagal daacinayo nabadda gobolka uuna rabo in uu awood adeegsado.

Ugu dambayn maayirka ayaa talo ahaan u soo jeediyey in Ciidamada maamulka Somaliland ka baxaan guud ahaan Laascaanood ayna dib ugu noqdaan degmada Caynaba, dhanka kalena waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee hubaysan laga saaro magaalada si magaalada loogu soo celiyo xaaladdeedii caadiga ahayd.


Related Items

Update cookies preferences