Dab khasaare maaliyadeed geystay oo ka kacay suuqa magaalada Jigjiga.

Thursday March 02, 2023 - 11:39:34
MeMo Staff
Wararka ka imaanaya dhulka Somaligalbeed ee ku jira gummeysiga Itoobiya ayaa sheegaya in dab xooggan uu ka kacay mid kamida suuqyada ganacsiga ugu waaweyn mandiqadda.
Suuqa weyn ee magaalada Jigjiga ayuu saaka dab xooggani ka kacay sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah dabka ayaa halakeeyay tobanaan tukaan oo lagu iibinayay badeecado kala duwan.

Qeybta dab damiska maamulka magaalada Jigjiga ayaa sheegtay in dabku uu ka kacay qeybta Khudaarta Suuqa jigjiga kadibna uu kusii fiday qeybaha kale ee suuq weynaha.

Khasaare maaliyadeed oo baaxad leh ayaa la sheegay in uu ka dhashay dabka ka kacay suuqa Jigjiga balse lamasoo sheegin wax khasaare nafeed ah.

Related Items

Update cookies preferences