Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir waxaa si xowlli ah uga socda howlgalkii uu dhawaan iclaamiyay taliska ciidanka Xarakada Al Shabaab ee lagu beegsanayay kooxa daroogada soo gelisa caasimadda iyo ciyaal weerada.
Qarax xooggan oo saaka aroortii hore ka
dhacay xaafadda Baramud ee degmada Baramuud ayaa lagu beegsaday goob
lagu iibinayay daroogada nuucyadeeda kala duwan waxaana ku dhintay
milkiilihii goobta.
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxu uu burburiyay dhismaha daroogada lagu keydinayay islamarkaana uu ku dhintay nin lagu magacaabi jiray (Dhagoosta).
Howlgalladan ay Al Shabaab ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sabab u noqday in albaabada laysugu dhufto tobanaan xarumood oo daroogada lagu iibin jiray.