Taliyihii hore ee Booliska Soomaaliya Jeneral Xijaar oo Laascaanood lagu arkay.

Tuesday February 28, 2023 - 09:22:31
MeMo Staff
Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliya Jeneraal Xijaar ayaa gaarey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xijaar oo muddo sannado ah soo ahaa taliyaha Booliska DF ayaa waxa xilkii ka qaadey dhawaan madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh



 Xil ka qaadistii taliye Xijaar waxa ay ku soo beegantay xiisadda Laascaanood ka taagan taas oo sababtey in dad badani hoosta ka xarriiqaan sababta xilka looga qaadey jananka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in taliyihii hore Ciidanka Badda Jeneraal Cabdixamiid uu isna ku suganyahay magaalada Laascaanood.


Xijaar ayaa xilka looga qaadey si aanu qayb uga noqon dagaalka Laascaanood ee u dhexeeya dadka deegaanka oo uu ka soo jeedo iyo maamulka Somaliland oo magaalada gacanta ku hayey 15sano.


Dhanka kale maamulka Somaliland ayaa shaley  sheegay in dagaal ay ku soo qaadeen maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay iska caabbiyeen.

Saaka ayaa markale la soo sheegayaa in dagaal ka socdo magaalada.

Aagagga weerarka oo awal hore koobnaa ayaa hadda noqday dhowr furimood sida xoguhu tibaaxayaan.

 

 Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa markii ay dhismayeen galey qalalaase gudeed muddo dhowr sano ah, halkaas oo isimmadii dhaqanka ee gobolladaasi isku khilaafeen sidii wax loo dhisan lahaa xilligaas.

Related Items

Update cookies preferences