Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka kasii wada howlgallada ay ku beegsanayaan goobaha mukhaadaraadka lagu iibiyo dadka mas'uulka ka ah.
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa noqotay meeshii ugu horraysay ee ka baxsan caasimadda oo uu gaaro howlgalkan lagu baacsanayo daroogada halista ku ah bulshadeenna muslimka ah.
Dagaalyahanno hubaysan ayaa qarax xooggan ku weeraray guri ku yaalla Xaafada Buula-jameeco ee magaalada Baydhabo kaasi oo lagu iibin jiray Khamriga iyo daroogada waxaana gurigaasi lahaa Sarkaal katirsanaa maamulka isku magacaabo Koonfur galbeed.
Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo ilaalo ka hayey guriga maandooriyaha lagu iibinayay iyadoona burbur xoogan uu soo gaaray guriga Khamriga ee labeegsaday.