Sawirro+Cod: 29 katirsan ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eritrea oo lagu dilay gobolka Sh/dhexe.

Monday February 27, 2023 - 17:55:00
MeMo Staff
Xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ayaa baahiyay sawirrada meydadka qaar kamid ah askarta DF ee dhawaan lagu laayay duleedka deegaanka Daaru-Nicma ee wilaayada Shabeellada Dhexe.
Askarta halkan waran ayaa ah kuwii dhawaan laga keenay dalka Eritrea oo lagu sheegay in lagusoo siiyey taba heer sara ah.

Sida ay sheegeen Al-Shabaab weerarkan ayaa lagu dilay wax caga cageenaya 29 askari oo uu ku jiro taliyihii ciidamada hogaaminayey.

Sheekh Yuusuf Ciise Kaba Kutukade oo ka hadlayay fagaarihii lagusoo bandhigayay meydadka ciidamada lagu laayay weerarka gaadmada ah ayaa sheegay in mar hore ay udigeen maleeshiyaadkii Ereteriya lagusoo bandhigay isagoona markale ugu baaqay in ay iskusoo dhiibaan Al Shabaab haddii ay sidaas yeellaana hubkooda loo lacageyn doono islamarkaana ay heli doonaan ammaan buuxa.

Halkan ka degso kalimadda Sh.Yuusuf Ciise MP3

Halkan ka degso sawirradaa RAR

Halkan ka daawo.

Related Items

Update cookies preferences