Dagaal ay ku dhinteen Askar Itoobiyaan ah iyo saraakiil dowladda katirsan oo Dooloow ka dhacay.

Monday February 27, 2023 - 15:01:54
MeMo Staff
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad culus oo maanta ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Maleeshiyaad hubaysan ayaa maanta barqadii weerar culus ku qaaday garoonka diyaaradaha degmada Dooloow halkaas oo uu kasoo degayay wafdi uu hoggaaminayay Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda ciidamada DF-ka.

Iska hor'imaad socday ku dhowaad 30 daqiiqo ayaa ka dhacay Dooloow waxaana ku dhintay mas'uuliyiin sarsare oo uu kamid ahaa taliyihii garoonka diyaaradaha degmada iyo dhowr askari.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 askari Itoobiyaan ah ay ku dhinteen iska hor'imaadka ka dhacay Dooloow, maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa si gaar ah ubeegsanayay saraakiil Muqdisho laga diray oo ay tuhunsanyihiin in ay qafaali rabeen dad ku xiran saldhigga Dooloow.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda degmadu ay kacsantahay waxaana weli is hor fadhiya dhinacyadii dagaallamay.

Related Items

Update cookies preferences