Ciidamo katirsan DF-ka oo ku dhintay diyaarad ku burburtay saldhigga Balidoogle.

Sunday February 26, 2023 - 16:58:29
MeMo Staff
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa shil diyaaradeed oo ka dhacay gudaha saldhig ciidan oo ay gacanta ku hayaan saraakiil American ah kaas oo kuyaal Koonfurta Soomaaliya.
Ugu uyaraan 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda Federaalka ayaa ku dhintay burbur diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Balidoogle sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Askarta dhimatay waxaa kamid ah saraakiil katirsan maleeshiyaadka loo yaqaan Danab ee uu tababaray Mareykanka, diyaaradda oo nuuceedu ahaa Helicopter ayaa burburtay xilli ay saraakiil shisheeye tababar siinayeen ciidamada.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ATMIS ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradu ay burburtay ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dhammaan askartii saarneed.

Midowga Africa wuxuu sheegay in 3 katirsan maleeshiyaadka Soomaalida ay ku dhinteen shilka halka 11 kale ay dhaawacyo soo gaareen islamarkaana ladhigay Isbitaal ku yaal xerada Xalane.

illaa iyo hadda mugdi badan ayaa ku jira sababta ay udhinteen maleeshiyaadka Soomaaliya oo ay ubadbaadeen saraakiishii shisheeye ee la socday Helicopter-ka burburay.

Related Items

Update cookies preferences