Isbedel weyn ayaa lagasoo sheegayaa gobol Sool ee gobollada waqooyi bari dalka Soomaaliya halkaas oo bilihii lasoo dhaafay ay dagaallo culus ka socdeen.
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dadka magaaladaas ay saaka ku waaberiisteen ciidamada Somaliland oo faarujiyay inta badan saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Xoogagga deegaanka oo aad u hubaysan ayaa la wareegay dhammaan xarumaha muhiimka ah ee Laascaanood sida guriga gobolka, saldhigyada booliska iyo koontaroollo ay isbuucyo ka hor qabsadeen ciidamada maamulka Muuse Biixi.
Dagaal culus oo shalay ka dhacay Laascaanood ayaa larumeysanyahay in lagu jebiyay ciidamada maamulka 'Somaliland' islamarkaana looga qabsaday hub culus oo ay kamid yihiin gaadiid gaashaaman.
Garaadada magaalada Laascaanood oo saaka booqday goobaha laga saaray ciidamada 'Somaliland' ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sugidda ammaanka waxayna ugu baaqeen xoogagga SSC in ay israacsiiyaan cadowga sida ay hadalka u dhigeen.
21 maalmood oo dagaallo aan kala joogsi laheyn ay ka socdeen Laascaanood ayaa hadda la dareemayaan isbedel aan la ogeyn inta uu sii jiri doono.