Mahad oo xogo hore sheegeen in uu ka goostey maamulka Somaliland ayaa la xaqiijiyey in uu ku adkaystey in uu ka sii mid ahaado maamulkiisii hore taas oo dadka deegaanku aad uga caroodeen kadibna waxay go'aansadeen in ay weerar culus ku qaadaan.
Garabka hubaysan ee shacabka deegaanka SSC ayaa la wareegay guriga sarkaalkan, halkaas oo lagu arkayey gaadiidka dagaalka sida taangiyo iyo agab kale, Dhanka maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay in weli ay magaalada badankeed iyagu gacanta ku hayaan.
Masuul uhadlay maamulka Muuse Biixi ayaa warbaahinta usheegay in ay iska difaaceen duullaan uga yimid wax uu ugu yeeray kooxo Argagaxiso ah oo uu ula jeedo xoogaga deegaanka.
Barahama bulshada ayaa lagu faafiyay muuqaallo muujinayay dadka deegaanka oo lawareegayo taangiyo gaadiidka Cabdi bilayaasha oo ay lahaayeen ciidamada maamulka Somaliland.
Dhanka kale waxa magaalada Hargeysa weli jooga sida wararku sheegayaan safiir xigeenka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya kaas oo la kulmay maamulka iyo xisbiyada mucaaridka ah ee ka dhisan ‘Somaliland’ isagoo qorshihiisu ahaa sidii xabbad joojin loo samayn lahaa.
Maamulka Somaliland iyo dhammaan maamullada dabadhilifka ah ee Soomaaliya ka dhisan ayaa u muuqda kuwo gabbalkood dhacay oo ay yar tahay rajada laga qabo in ay ku sii jiri karaan sannadaha soo socda.